Ciyaartoyda Xulka Qaranka Somalia ee 17-jirada ayaa caawa ciyaaraya kulankoodii ugu horreeyay koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee 17 jirada, iyagoo wajahaya xulka Algeria oo ay hal guruub ku wada jiraan.
Kulanka ayaa dhici doona caawa 10:00pm habeenimo xiliga Muqdisho waxaana lagu ciyaari doona Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada Algeris.
Guddoomiye Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo u diyaar garowga ciyaarta xulkeena Qaranka uu ku wajahayo dhigooda Algeria.
Guddoomiye Cali Shiine oo warbaahin kaga warbixiyay diyaarinta xulka 17 jirada ee kulanka furitaanka ee caawa, isaga oo tilmaamay in heer wanaagsan ay ka gaari doonaan tartanka.
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u soo duceyaan Ciyaartoyda, isla markaasna u muujiyaan garab istaag.
9-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay oo ay xiddigaha Soomaaliya ee 17-jirada ciyaaraan kaliya waxey guuldaro la kulmeen 2-jeer, 6 ka mid ah guul ayey heleen, halka 1-kulan ay barbaro galeen.
Guulaha ay gaareen waxaa ka mid ah kuwa ay ka gaareen dariska Kenya & Ethiopia, si la mid ah dariska fog ee Uganda. Wadanka kaliya oo ay guuldarada kala kulmen waa Tanzania.
Wiilasheena caawa waxey ciyaari doonaan kulankii ugu horreeyay taariikhda koobka Qaramada Afrika.
Idiris Abdiwahab oo ka tirsan xulka Soomaaliya ee 17-jirada ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay website-ka rasmiga ah ee xiriirka Africa ayaa taageerayaasha Soomaalida u diray ayaa fariin dareen xambaarsan:
“Waxaan taageerayaasheena weydiisanayaa iney taageero noo muujiyaan, noo soo duceeyaan, uma ogolaan doono iney madaxdooda hoos geeyaan, dadaalkeena ugu fiican ayaana bixin doonaa” ayuu yiri.
Ciyaarta caawa 10:00 waxaad si toos uga daawan doontaa allbanaadir Online insha ALLAH
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com