Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo howlgal ka fuliyay deegaan Al Shabaab ku sugnaayeen (Sawirro)

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo Al Shabaab ka sameeyey deegaanka Ceel Cali gasle oo dhanka waqooyi ka xiga deegaanka ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Ciidankan huwanta ah ayaa cagta mariyay goobo la sheegay in ay gabaad ka dhiganayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka Shacabka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ay burburiyeen saldhigyo ay Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, ayna ku raadjoogaan firxadka kooxdaasi.

Ciidamada dowladda ayaa howlgalo gaar ah kawada deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ,halkaas ay wali joogaan xubno katirsan Al Shabaab oo horey looga saaray deegaanno ay joogeen.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada oo Dhagxaan Shub ah ku xirtay Isgooska Dabka ee Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaalad adag oo ku soo wajahan Ukraine & CIA-da Maraykanka oo digniin culus bixisey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---