Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaal culus oo ka socda Khartuum iyo Xabbad joojintii oo…

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF ee dalka Sudan ayaa maanta ka socda magaalada Khartuum, waxaana fashil ku yimid xabbad joojin dheeraad ah oo shalay mar kale lagu dhawaaqay.

Dhawaqa madaafiic culus iyo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa maanta oo Sabti ah laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalada Khartuum, waxaa sidoo kale jira diyaarado dagaal oo iyana duqeymo u geesanaya goobo bartilmaameed ah.

Dagaalka maanta ka socda magaalada Khartuum ayaa imaanaya xilli dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo shalay oo Jimco aheyd ay kordhiyeen xabbad joojintii horey u gaareen, waxaana lagu daray 72 -saacadood oo dheeraad ah, inkastoo aysan dhaqan-gelin.

Dalka Sudan dagaalka ka socda ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof oo shacab ah, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, dagaalka ayaa sidoo kale sababay in ay ku barakacayaan inta badan dadkii deganaa caasimadda iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Ciidamada RSF ayaa milatariga ku eedeysay in ay jebiyeen xabbad joojinta oo ay duqeeyeen fariisimadooda magaalada Omdurman, oo mataan la ah Khartoum ahna halka uu Wabiga Niilka Buluugga ah kula kulmo Niilka Cad, iyo Buurta Awliya.

Dedaalo ay wadaan qaar kamid ah waddamada caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa socda, waxa ayna dhinacyadan isku dayayaan in wadahadal nabadeed ku qanciyaan labada jeneraal ee dagaalku u dhaxeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayax Madoobaad la sheegay in laga arkayo Qeybo kamid ah Caalamka

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beri safar ku tagay Saddex gobol oo ka kala tirsan maamulada…

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee ay u dhacday xafladii Xil wareejinta Madaxweynaha

Caydiid Ali