Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo dowladda Mareykanka kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo safiirka waqtigiisa dhammaaday ee Mareykanka  Larry André ayaa wadahal ay habka fogaan araga ee Zoomka ku yeesheen uga wada hadlay arrimo dhoor ah.

Cali Jeyte iyo safiirka dowladda Mareykanka ayaa kawada hadlay howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah gobolka Hiiraan iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada Al Shabaab gobolka guud ahaan looga saarayo.

Larry André ayaa ku boggaadiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte doorka uu ka qaatay la dagaalanka Al Shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa kooxdaasi deegaanno badan oo markii hore ka joogeen gobolka Hiiraan.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa dhankiisa uga mahadceliyya dowladda Mareykanka taageerada ay ku siiyeen howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna mar kale ka codsaday Mareykanka in ay ka taageeraan howlgalada ay wadaan.

Gobolka Hiiraan ayaa hormuud u ahaa howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxaana dadka deegaanka macawuusleyda oo gacan ka helayay ciidamada dowladad Soomaaliya ku guuleesteen in Al Shabaab ka saaraan qeybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte Cusmaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaana door weyn ka qaatay dagaalka gobolka Hiiraan looga saaray Al Shabaab, waxa uuna hadda mar kale hoggaaminayaa wajiga labaad howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Maxaa keenay in ciidankii ugu badnaa la geeyo Gaalkacyo? (Warar kale oo xiiso badan)

Caydiid Ali

Somalia oo xil sare loo doortay ka dib shirweyne caalami ah oo ka dhacay Geneva (Sawirro)

Caydiid Ali

Shariif Xasan oo Shaaciyay Arin aan dalka horey uga dhici jirin iyo Madasha oo Dowlad kale dhiseysa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---