Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo soo dhaweyn dhoolotus ah saakay loogu sameeyay Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Haraadiga Khawaarijta firxadka ah, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.

Related posts

Dowlada oo dejisay qorshe cusub oo ka dhan ah Jeneraal Xuud iyo magaalada Baladweyne !

Cabdi Cade

Deni oo lagu eedeeyey inuu iska daawanayo dhibaatada heysata reer Laascaanood

Caydiid Ali

Burcad badeed xabsi daa’in ugu xirnaa dal Carbeed oo lagu celiyey Boosaaso (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---