Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo indhahooda kusoo arkay Saameynta Roobkii Muqdisho (Sawirro)

Ra’iisul wasaare Kuxigeenka dalka Saalax Jaamac  oo ay wehliyaan xubno kamid ah golaha wasiirada, guddomiyaha gobalka Banaadir iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ayaa xalay kormeer ku sameeyay saameyntii ka dhalatay roobkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintan dowladda katirsan ayaana kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadaha uu saameynta badan ku yeeshay roobkii da’ay , waxa ayna qiimeyn ku sameenayeen khasaaraha uu roobka geestay.

Inta ay kormeerka wadeen masuuliyiinta dowladda katirsan ayaa waxa ay tageen biyo dhigeenno ku yaala degmooyinka Wadajir, Waaberi, Howlwadaag iyo Warta Nabadda, iyada oo dadka danyarta ah durba lala gaaray booyado biyaha bixiya iyo raashin ay sii isticmaalaan.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa wado qorshe ballaaran oo wax loogu qabanayo dadka ku waxyeeloobay roobabka shakay da’ay iyo istiraatiijiyad looga hortagayo soo noqoshada dhibaato noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga hadlay xasaanad ka xayuubin lagu sameeyey

Caydiid Ali

Imran Khan oo shaaciyay Magacyada Masuuliyiin ka dambeesay Weerarkii lagu dhaawacay

Cabdi Cade

Prof. Saciid Ciise” :Dagaalka lagula jiro xagjiriinta waxaa ku hoos duugan..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---