Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaligii ugu horeeyey oo isu taagay doorashada Xildhibaanka Xaafada 25aad ee Columbus Ohio

Soomaalida ku nool gobolka Ohio ayaa soo dhaweeyey taageerna u muujiyey Ismail Mohamed oo ah Musharax u ordaya  Xildhibaanka laga soo doorto xaafada 25aad ee Columbus  oo ah Magaalada labaad  ee Soomaalida ugu badan ee dalka Mareykanka ay ku noolyihiin.

Xaafadda 25 ee magaalada Columbus waa xaafada Soomaalidu ku badan tahay waxaana in muddo xildhibaan ka ahaa dadyow kale oo ay Soomaalida codkooda siin jireen.

Hase ahaatee xiligan waxay arintaasi u muuqataa in laga gudbayo ka dib markii Musharax Ismail Mohamed oo Soomaali ah uu xilkaas isku soo taagay.

Ismail Mohamed ayaa maanta la hadlay aqoonyahano, waxgarad ururka haweenka  iyo ardayda wax ka barato  Ohio   isagoo ka waramay hadafkiisa ku aadan xaafada 25aad, wuxuuna weydiistay codkooda iyo taageeradooda.

Waa markii ugu horeysay  Soomaalida  ku nool Magaalada Columbus ay sameeyaan  dedalkaan oo kale.

Sidoo kale Ismail Mohamed waa sharci yaqaan wax ku bartay Ohio  State University oo doonaya inuu qeyb ka noqdo Maamulka gobolkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo la siiyay kaalmo lacageed oo gaareysa $ 75 million

Cabdi Cade

Maxaa sababay in dib u dhac ku yimaado markii saddexaad shirweynahii GALMUDUG iyo Dacwadda badda oo …..

admin

Daawo:-Diyaar garow Xoogan ay sameeyeen Ciidanka Mucaaradka & kala cararkii ku dhacay markii xabadda isqabsatay!!

admin
Taboola Ads ---