Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo xal u raadinaya dagaalka ka socda dalka Sudan

Dalka Sudan waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ee RSF , waxaana labada ciidan ee dagaalamaya kala hoggaaminaya labo jeneraal ee talada dalkaasi isku haya.

Qaar kamid ah madaxda waddamada caalamka ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in xal looga gaaro colaada dalka Sudan, waxaana madaxda qaarkood xiriiro la sameeyeen labada jeneraal ee dagaalku u dhaxeeyo.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaana kamid ah madaxda waddamada doonaya in colaada ka aloosan Sudan si deg deg ah loo joojiyo, waxa uuna Abiy telfoon kula xiriiray labada sargaal ee Jen Abdalfatah Al Burhan iyo Jen Maxamed Dagalo.

Abiy Axmed ayaana kala hadlay labada jeneraal ee dagaalka u dhaxeeyo sidii xal aan xabbad aheyn looga gaari lahaa colaada, waxa uuna ugu baaqay in xabbada joojiyaan oo wadahadal ka galaan dagaalka socda.

Midowga Afrika ayaana wada dedaalo lagu joojinayo dagaalka dhiiga badan ku daadanayo ee ka socda dalka Sudan, waxaana qaar kamid ah madaxda midowga Afrika isku dayayaan in wadahadal u furaan labada jeneraal ee dagaalamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Puntland oo raali gelin ka bixiyey Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada

Caydiid Ali

Kulan Shaki badan abuuray oo dhax maray Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Howlgalo ka socda Muqdisho iyo Rag dembi halis ah ku eedeysan oo la qabtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---