Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin la sheegay inuu ka mid yahay Amniyaatka Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

Nin ka tirsan kooxda amniyaadka Alshabaab ee fuliya dilalka qorsheysan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad sugida iyo siroonka Qaranka ee NISA ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen lagu soo qabtay mid ka mida ciidamada amniyaadka ee Al-shabaab.

“27-ka Agoosto, 2018, howlgal qorshaysan ay fuliyeen ciidanka amaanka dowlada federalka Soomaaliya waxaa lagu soo qabtay xubin Amniyaadka Alshabab ah. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidanka amnigu ku sugayo nabadgalyada & xasiloonida ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay NISA.

Lama sheegin magaca qofka la qabtay iyo goobta laga soo qabtay midna balse saraakiisha NISA ayaa sheegaya iney sii wadi doonaan howlgalada lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka iyo unugyada ka tirsan al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo Baaq cusub u dirtay Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Turkiga & QM oo war ka soo saartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Drs. Ruqiya: “Madax qowlkooda & ficilkoodu isla socdaan ayaan u baahan-nahay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---