Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo ka digay arrin halis ah oo dhaceysa haddii aan dib loo dooran 2024

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono fowdo haddii aanu isaga ku soo laaban xafiiska.

Trump oo hadalkan ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad Shalay ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”ayuu yiri

Biden oo 80 jir ah ayaa Talaadadii ku dhowaaqay inuu mar labaad is-sharxi doono 2024, isaga oo ka digay in doorashada soo socota, si la mid ah tii hore, ay noqon doonto “dagaalka ruuxda.”

Mas’uuliyiin sare oo Jamhuuri ah ayaa sheegay in Trump, oo 76 jir ah, uu mar kale isku dayayo inuu guuldarreysto kadib markii uu doorashadii 2020 iyo doorashadii xilliga dhexe ee 2022 uu wiiqay Jamhuuriga.

“Jamhuuriga waxay doonayaan qof guuleysan kara November 2024. Donald Trump waa guuldarreyste,” waxaa sidaas yiri barasaabka gobolka New Hampshire Chris Sununu, oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu is-sharxo.

 

Related posts

Raisul Wasaarihii hore oo si adag uga hadlay hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Al-Azhar Al-Shariif oo dalalka Islaamka ugu baaqay iney u midoobaan dagaalka Israel

Caydiid Ali

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri doorashadii saaka ka dhacday Garowe? (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---