Allbanaadir.com
NEWS

Magaalo ku taalla Maraykanka oo laga baadi goobayo barafka hoostiisa (Daawo Sawirro)

Heyadda cimillada iyo saadaasha hawada Maraykanka ayaa ka digtay halista sii kordhaysa ee ka dhalanaysa baraf duugay magaalada Erie ee gobolka Pennsylvania.

Barafkan ayaa ka dhashay dabeylo xooggan oo ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in barafka uu dhumuc ahaan dhan yahay 86cm.

Booliiska ayaa dadka gaadiidka wata uga digay in waddooyinka magaaladaas ay halistooda badantahay, iyada oo qaarkoobda la xiray gabi ahaan.

Baraf dheeraad ah ayaa laga yaabaa in uu magaalada ku da’o sida ay laanta hawada saadaalisay.

Magaalada ayaa ku taala jiinka harada weyn ee lagu magacaabo Erie.

Waa markii ugu horeysay oo baraf intan la’eg uu hal maalin da’o, markii ugu dambeeyaay oo tan oo kale ah dhacday waxa ay ahayd sanadkii 1956-dii.

Guryo iyo gaadiid ayuu gabi ahaanba duugay barafka, iyada oo dadkii degenaa ay barafka iska qodeen si ay waddo u banaystaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xuutiyiinta oo Gantaalo ku dhuftay Markabka Andromeda Star iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Biden oo xushay shaqsiga uu la rabo in uu u tartamoi xilka Madaxweynaha

Cabdi Cade

Dayuurad gaar ah oo loo dirayo Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayey xabsiyada India

Caydiid Ali
Taboola Ads ---