Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Munaasabad heer sare ah oo loo qabtay arday ka qalan jabisay Jaamacada Jamhuuriya (Daawo Sawirada)

Munaasabad ballaaran oo loogu maamuusayay qalin jabinta 308 arday oo dhamaysatay waxbarashada heerka koowaad ee tacliinta sare ee Jaamacadda Jamhuuriya ayaa maanta lagu qabtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Xafladdan ayaa waxaa kasoo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo ay kamid ahaayeen  mas’uuliyiinta dowladda gaar ahaan Wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare, bahda waxbarashada, waalidiinta ardayda iyo masuuliyiinta Jaamacadda Jamhuuriya oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Jaamacadda Mudane Eng. Maxamud Axmed Jimcaale.

Agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare mudane Dr. Cabdishakur Sheekh Xasan Fiqi oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u hambalyeeyey ardayda maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Jamhuuriya.

“Waan u hambalyeynayaa ardayda ka soo baxday [Jaamacadda Jamhuuriya] adeeg fiicanna waa loo qabanayaa shahaadooyinkooda iyo howlahooda annaga waa ku faraxsanahay intaasoo arday Soomaaliyeed nidaamka iyo dowladnimada waa inaan horay u wadannaa ”, ayuu yiri agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda.

Sidoo kale agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay in Jaamacadda Jamhuuriya ay ka mid tahay jaamacadaha dalka ka dhisan kuwooda ugu tayada wanaagsan.

“Jaamacadda Jamhuuriya jaamacad aad u culus weeye waxay ku jirtaa jaamacadaha taf ah xagga tayada, tayada meesha ugu qoran waa sax weeye quality-ga [ tayda] waa sax weeye Jamhuuriya, maxaa jiraa dhawr jeer baan tagnay, waan aragnay laababkooda, hawshoodana wufuud fara badan baan geyney oo nooga yimid dalal kale … xogta ay iyaga [Jaamacadda Jamhuuriya] soo gudbiyaan ardaydooda maalinna khalad ma ay galin ardayga shahaadadiisa la baaro iyo xogta imtixaanaadkiisa laga soo gudbiyo wasaaradda waa iskumid weeye”

Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya ayaa isagana dhankiisa dareenka hambalyada farxadda qalin badalasha ardayda la wadaagay isagoo sheegay in ardayda qalin jabisay ay ka kooban yihiin 308 arday oo ka kala tirsan dhamaan kuliyadaha ugu waaweyn ee Jaamacadda Jamhuuriya.

“Dufacadda qalin jabinaysa tiradooda waa 308 arday oo ka kala tirsan kuliyadaha waaweyn ee caafimaadka, Engineering, kuliyadda dhaqaalaha iyo maamulka iyo sidoo kale kuliyadda Computerka iyo farsamada macluumaadka. Dhamaan ardadaasi marka laga reebo kuliyadda caafimaadka … oo lix sano ay maanta u dhamaatay waxay [ardayda kuliyadaha kale] waxbarashadooda soo waden mudo afar sano ah. Waxaan aad iyo aad ugu hanweynahay oo aan rajeynayaa in ay noqdaan kuwo cilmigooda ku intaafa”.

Qaar kamid ah arday maanta xafladooda qalin jabinta loo dabaal dagayey ayaa dhankooda muujiyey dareenkooda farxadeed ee ku aadan in ay shahaadada heerka koowaad ee digriiga ka qaataan Jaamacadda Jamhuuriya iyaga oo u mahadceliyey waalidiintooda iyo macalimiintoodii u soo dhabar adeygay mudadii ay waxbarashada soo wadeen.

Waa dufacaddii sadeexaad ee ka qalin jabisa Jaamacadda Jamhuuriya of Science and Technology.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Heshiis Caalami ah la gashay Hay’adda IATA (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo Digniin adag u dirtay Odayaasha kunool deegaanada maamulka ka taliyo

Cabdi Cade

Mareynkanka oo beegsaday labo Banki iyo xubno ka tirsan qoyska Madaxweyne Putin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---