Dagaalyahan katirsanaa kooxda Al Shabaab kana soo dagaalamay deegaanno iyo degmooyin badan ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Koonfur Galbeed.
Isxaaq Macalin Aadan oo Magaciisa Afgarashada yahay Isxaaq Calooley ayaa isku soo dhiibey qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga Dalka, waxa uuna sheegay ninkan in uu go’aansaday in uu isaga soo tago Al Shabaab.
Ninkan ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa jabhadda,isagoo xuday in uu ka qeyb qaatey dagaalo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Gedo iyo Shabeellaha dhaxe.
Isxaaq waxaa uu sheegey in sababta ku kaliftey in kooxda Al Shabaab isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay u geysanayaan Shacabka iyo gumeysiga dhexdooda ka jira sida uu tilmaamay.
Dagaalyahanno badan oo katirsanaa Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan isugu soo dhiibay ciidamada dowladda, kuwaa oo la geeyay xarumo dowladda ugu talagashay in lagu dhaqan-celiyo raga soo goostay.