Ciidanka maamulka Somaliland ayaa maanta madaafiic culus ku garaacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana madaafiicdan qaarkood ku dhaceen guryo kuyaalla magaaladaasi.
Madaafiicda ciidamada Somaliland kusoo garaaceen magaalada Laascaanood ayaa bur buriyay dhismayaal kuyaalla magaaladaasi, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro nafeed oo ka dhashay madaafiicda ku dhacday Laascaanood.
Dadka degan magaalada ayaa bilaabay in ay gabaad raadsadaan marka ay madaafiicda bilowdeen, waxaana duqeyntan imaaneysa xilli uusan jirin dagaal toos ah oo u dhaxeeya maanta ciidamada Somaliland iyo kuwa jabhada SSC.
Ciidamada maamulka Somaliland oo ku sugan duleedka Laascaanood ayaa inta badan looga bartay in madaafiic kusoo garaacaan magaalada xilliyada ay dagaalada socdaan, lamana oga duqeyntan maanta geesteen waxa keenay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com