Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Kenya oo Xabsiga dhigay Ezekiel Odero iyo dambiga loo heesto oo la ogaaday

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay baadari caan ah oo lagu magacaabo Ezekiel Odero, waxa ayna booliiska sheegeen in baadarigaan oo lagu tuhmayo dhimashada dad badan ku lug lahaa lagu sameenayo baaritaano dheeraad ah .

Baadariga la xiray ayaa kaniisad dad badan isugu tagaan ku lahaa gobolka xeebta ee Kilifi, waxa ayna booliiska sidoo kale xireen kaniisadii uu lahaa ninkan, iyagoona dadkii joogay kaniisada bannaanka u saaray kuna war-galiyay in la xiray.

Isku duwaha gobolka Xeebta Rhoda Onyancha, oo saxaafadda kula hadlaysay dhismaha Uhuru na Kazi ayaa sheegtay in baadariga la xiray ay su’aalo weydiin doonaan dambi-baarayaasha xarunta booliiska xeebta ee Mombasa.

“Waxaan xirnay Baadari Ezekiel oo ka tirsan xarunta  Kaniisadda Mavueni ee ismaamulka Kilifi, iyadoo loo haysto eedaymo ku saabsan dhimashada ka dhacaysa goobtiisa oo laga soo sheegay meelo kala duwan oo meydadka la dhigo,” ayay tidhi Ms Onyancha.

Xariga baadarigan ayaa kusoo aadeysa xilli dalka Kenya ka dhacday musiibo uu sabab u noqday nin baadari ah, kaa oo dadka aaminsan kula taliyay in ay baahi u dhintaan si ay jannada u galaan .

Dowladda Kenya ayaana dhaleeceyn kala kulantay dhimashada dad ka badan 90-qof uu sabab u ahaa baadari Paul Makenzie Nthenge oo hadda xabsiga ku jira, waxa ayna dowladda hadda bilowday howlgalo ay ka sameeneyso kaniisado kale oo badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Janan oo ku dhawaaqay dagaal, digniin culusna siiyey shacabka Belad-xaawo

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Fanaanka Caanka ah ee Nimcaan Hilaac

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar oo sii xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---