Allbanaadir.com
NEWS

Warar sheegaya in xilka laga qaadayo taliyaha Milatariga iyo Shirka golaha wasiirrada oo…

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeesanayay wararka sheegaya in suurto gal tahay in xilka si deg deg ah looga qaado taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ku fashilmay hoggaaminta ciidanka.

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa khasaaro badan kasoo gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ay ka wadeen gobolka Galgaduud, waxaana guul darrooyinka qaar ciidamada soo gaaray sabab looga dhigay hoggaan xumida jeneraal Odawaa Yuusuf.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu go’aamiyay in xilka ka qaado Jeneraal Odawaa Yuusuf , waxa uuna madaxweynaha muddooyinkii dambe waday latashiyo uu ka yeelanayay cidda lagu bedeli lahaa Odawaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suurto gal tahay in Taliye Odawaa maanta xilka looga qaado shirka golaha wasiirrada , halka wararka qaar sheegayaan in Odawaa xil ka qaadistiisa dhaceyso marka madaxweyne Xasan Sheekh kasoo laabto dalka Uganda.

Jeneraal Odawaa oo katirsanaa taliskii maamulkii Farmaajo ayaa dad badan aaminsanaayeen in madaxweyne Xasan xilka deg deg uga qaadi doono, balse waxa uuna nasiib u yeeshay Odawaa in  11 bilood sii shaqeeyo marka uu meesha ka baxay Farmaajo.

Khuburada dhinaca amniga ku xeel dheer ayaa aaminsan in la joogi xilligii jeneraal Odawaa meesha laga saari lahaa, waxa ayna tilmaameen in hoggaaminta howlagalada Al Shabaab dalka looga saarayo ku wacan yihiin in la helo taliye cusub oo howlkar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo heshiisyo waaweyn la saxiixday Shiinaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin qaraxyo dilal iyo tiro-beelay ka geystay Muqdisho oo Xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) War cusub oo ka soo kordhay dil dhowaan London loogu geystay wiilal Soomaali ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---