Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Erdogan oo deg deg uga baxay Wareysi toos ah oo ka socday TV-ga (Sababta)

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay howlihiisa doorashada ee loo qorsheeyay maanta ka dib xanuun soo wajahay.

Waxaa la sheegay inuu dareemayo xanuun dhanka caloosha ah, xilli ay doorashada ka harsan tahay wax ka yar bil sida ay sheegeen kaaliyeyaashiisa.

Erdogan waxaa la jaray wareysi toos ahaa oo uu taleefishin siinayay Talaaladii ka hor inta uusan soo laaban oo uu raaligelin ka bixin, iyadoo sababta lagu sheegay xanuun caloosha ah

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Erdogan oo 69 jir ah ku yiri “Maanta oo Arbaca ah waxaan ku nasan doonaa guriga anigoo raacaya talada dhaqaatiirteena”.

Madaxwaynaha Turkiga ayaa si aan kala joogsi lahayn waxaa uu maalmihii u dambeeyya ugu jira ololaha doorashada isaga oo booqanayay gobolo kala duwan.

Ololihiisa doorashada oo lagu waday in uu maanta ku tago saddex magaalo ayaa waxaa imika hogaamin doona madaxwayna ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay.

Erdogan ayaa waxaa uu dadaal xooggan ugu jiraa sidii isaga iyo xisbigiisa ugu guuleysan lahaayeen doorashada madaxwaynaha iyo tan baarlamaanka dalkaasi oo dhaceysa 14ka bisha soo socota ee May.

Related posts

Mid mid ah fanaaniintii ugu caansanaa Somalia oo Muqdisho ku geeriyooday

Caydiid Ali

Istaraatiijiyada Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka oo laga shiray (Sawirro)

Cabdi Cade

Askar katirsan Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Deni oo Dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray…

Cabdi Cade