Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha heyadda Sirdoonka dowlada Sudan oo soo gaaray Muqdisho

Taliyaha sirdoonka dowlada Suudaan ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku yimid magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ayaa shaacisay in agaasimaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen uu maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo dhigiisa Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed Saleh oo booqasho rasmi ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxa Sirdoonka Sudan ayaa la sheegay inay la socdan xubno ka tirsan sirdoonka dalka Qatar, waxaan saaka loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho, qaarkood, waxayna kulamo la leeyihiin madaxda dowladda Somalia iyo saraakiisha NISA.

Warar soo baxaya ayaa  sheegeya in dowlada Qatar ay Sirdoonka Suudaan qandaraas ku siiyeen dib u dhiska iyo qalabeynta sirdoonka Soomaaliya, mashruucaas oo fulintiisa dhowaan la guda galayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha UK oo si dareen leh uga hadlay gubashada Suuqa Hargeysa

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo la kulmay Madaxweyne Kenyatta (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dayuurad gaar ah oo ciidamo ka tirsan Danab ka dejisay Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---