Mudo kororsigii madaxweynihii hore ee Farmaajo qasaaraha ka dhashay iyo weeraradii labada madaxweyne hore lagu qaaday waxey ahaayeen tilaabooyin u baahan cidii geysatey dembiyadaas iyo kuwii kala shaqeeyey siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo bulsho ahaan in cadaaladda la hor keeno.
Waxey ahaayeen dembiyadaas kuwo aad u culus oo halis badan ku ahaa dowladnimada oo haddii aan cadaaladda la raacsiin shaqsiyaadkii geystey keeni kara habdhaqan caado u noqda madaxda sare ee dalka hogaamineysa oo u muuqanaya falalka dembiyadooda inaan lagu maxkamadeyn karin, taas oo ka dhigan iney yihiin kuwo ka sareeya sharciga.
Madaxda cusub oo bedeshey kuwii ka horeeyey, waxey qeyb ka ahayeen dembiyadaas ku dhacay oo halista geliyey naftooda, laaakiin sida muuqata hadda uma arkaan kuwo mudan in laga daba tago, waxeyna maagan yihiin ayaa ka weyn wixii tegey oo lagula kacay, maxaa yeelay indhaha oo laga daboosho xadgudubyadii iyo tacadiyadii dhacday waxey saadaal u tahay habraaca ay iyaguna sameyn doonaan.
Haddii madaxweyne kasta oo xilka yimaada uu ku fekero mudo kororsi qasaba ama xeeladeysan oo tacadiyo sharciyeed lagu gelayo, taas waxey madaxtinimada dalka ka dhigeysaa xil kelitalisnimo oo la huwiyey dimoqaraadiyad beenabuura iyo sharci sareeyntiisa heerkiisu ka hooseeyo awooda madaxda sare.
Dhacdooyinkaas ay faldembiyeedyada ku geysteen madaxdii hore iyo kalaaliyeyaashoodu waxey qasaaro ka soo gaartay shacab, ciidan, iyo masuuliyiin dhacdooyinkaas kala kulmay waxyeelo nafeed iyo kuwo maaliyadeed, iyo shirqoolo lagu diley madax hore oo hawlgaba.
Sharciga in la hor keeno cidii lahayd sababta dhalisay dhacdooyinkaas halista badan geystey waxey daweyneysaa bulshadu iney aragto samaan u falida cadaaladda, sidaasna ay uga qancaan qasaarihii ka soo gaarey naf iyo maalba dhacdooyinkaas dowladnimoxumida salka ku hayey oo loo baahan yahay raadkooda iyo habraacooda in la tirtiro.
Waxaa ayaandarro ah in dembiileyaashii maskaxda u ahaa habdhaqankaas ku dhisnaa hogaanxumada ay intooda badan bulshada ka hor muuqdaan iyagoo haysta xasanaad ay ka dhiganayaan gabaad iyo xilal ay darajooyinkooda dowladeed ku gambanayaan, iyo kuwo dibeda uga baxsaday sharciga.
Wadamada qaar ayaa si geesinimo leh ugu guuleystey in dacwado ay ku soo oogaan fal dembiyeedyada ay geystaan madaxdii hore, kuwaas oo ku muteysta maxkamadeyn iyo sumcad-dil ay shacabku ku ogaadaan ineysan qaban karin xilal siyaasadeed oo dambe ama aysan sii yeelan doonin xasanaad ay sharciga uga dhuuntaan.
Indhaha siyaasadda shacabka waxey tijaabo ahaan u duur xulayaan sida Madaxweyne Hassan Sheikh ay ugu muuqato cadaalad hor keenida siyaasiyiinta dembiileyaasha ah iyo masuuliyiinta hayey xilalka dowlada oo horay u geystey gaboodfaalada siyaasadeed oo aan weli xaqsoorid helin.
Haddii uusan sharcigu abaalmarin jizada ay mudan yihiin madaxdii hore oo dalka iyo dadka gelisey xasarado dagaal iyo sharci ku tumasho ay ka dhalatay qasaarooyin loo geystey dadka iyo dowladnimada oo halis burbur qarka u saarneyd iney dunto qaranimadeeda iyo sidoo kale inuusan dalka ka dhicin doorasho dimoqaraadiya oo si dastuurka raacsan dowladnimada lagula kala wareego si nabada.
Xukun kororsi dhiig ku daato wuxuu si rasmiya uga mid noqonayaa geedi socodka loogu jiro qabsoomida doorasho aan dimoqaraadi ahayn haddii aan tilaabo sharciya laga qaadin kuwii ku xadgubey xoog u adeegsiga xukunka lagu boobayey, laguna cabsi gelinayey siyaasiyiinta musharixiinta u ah xilka madaxtinimada.
Taariikhda waxey xuseysaa in 1961 aan tilaabo sharciyadeed oo ku haboon aan laga qaadin afgembi ay isku dayeen saraakiil ka soo jeeda waqooyiga Soomaaliya, taas oo sahan wanaagsan u noqotay liidashada awooda sharciga Soomaaliyeed oo dhiiro gelisey afgembigii mileteri ee 1969 dhacay oo dhiig fara badan uu xukunkiisa ku daatay.
Xukunka dalka oo xaqdaro la isugu dhejiyo wuxuu sabab u noqdaa sharciga oo uu qiimahiisu hoos u dhaco iyo dhiig badan oo ku data tacadiyada lagu fushanayo ku sarqaamida xukun jaceylka, waxaana ugu dambeys uu gabalkoodu dhacaa kuwii cadaaladdarada xilalkooda mudo kororsiga xaqdarada ugu raadsanayey.
Shacabku waxey ogaan doonaan taariikhda hadda qormeysa cida cadaaladooda u hiilineysa oo galad iyo abaal ka muteysan doonta, iyo cida cadaaladooda ku noqoneysa cadowga ummadda sida ay horayba uga dhaxleen sooyaalka madow madaxdii cadaaladxumada dalka ku soo hogaamisey.
Madaxweynaha sida aqlabiyada ah loo doortay Mudane Hassan Sheikh Mohamud wuxuu qaaday tilaabooyin geesinimo leh oo uu kula dagaalamayo cadowga ummadda ee Alshabaab, sidaas si la mid ah ayaa looga baahan yahay inuu qaado tilaabo geesinimo leh oo uu xaqsoorka cadaaladda ugu horkeenayo dembiileyaasha hadoodilan xasanaadka.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqoraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com