Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehlinayo Danjiraha dowladda JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka qoyska ee dowladda Hindiya Mudane Mansukh Mandaviya.
Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay arrimo aad muhiim ugu ah labada dal oo ay kamid yihiin, iskaashiga labada dal ee dhinacyada, horumarinta caafimaadka, kor u qaadida kaabayaasha caafimaadka, tababarrada shaqaalaha caafimaadka, tayada daawada iyo isticmaalka qalabka Tignoolojiyada, si loo hormariyo adeegyada caafimaadka.
Sidoo kale labada masuul ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la fududeeyo howalaha safarka,caafimaadka ee ay dadka Soomaaliyeed ku tagaan dalka Hindiya.
Wasiir Cali xaaji ayaa dhiggiisa Hindiya kala hadlay ugu dambeyn in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo tayadiisa lahubo islamarkaana dhameystiran.