Allbanaadir.com
NEWS

Ergay Cabdikariin Guuleed oo arrimaha Wadahadalada Somaliland kala hadlay Heidi Johansen (Sawirro)

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan miro-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wadahadallada iyo dib u heshiisiinta Dowladda NORWAY Ms. Heidi Johansen kaas oo ay ka wadahadleyn hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xall u helida Arrimaha Somaliland.

Mudane GULED ayaa warbixin ka siiyay Ergeyga NORWAY sida ay Dowladda FS uga go’an tahay dib u bilaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagnay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.

Dhankeeda Ms. Heidi Johansen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Dowladda FS iyo Somaliland.

Dowladda Norwey ayaa marar badan taageero ku bixisay wadahadalada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland , waxa ayna wali gacan ka geesanaysaa wadahadala Soomaaliya iyo Somaliland.

Related posts

Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Sidee Soomaaliya iyo Afrika u saameenayaa dagaalka Dhaqaale ee USA iyo China ?

Cabdi Cade

Shiinaha ballanqaadyo muhiim ah u sameeyay maamulka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---