Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay war lagu daabacay Wargeyska The East African

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Xuseen Sheekh Cali ayaa si adag u beeniyay warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu muddo kordhin u raadinayo ciidamada ATMIS ee howlaha nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Wargeyska The East African ayaa daabacay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo in ciidamada ATMIS ay sii joogaan Soomaaliya labo sanno dheeraad ah, wixii ka dambeeya 31-ka December 2024-ka oo qorshuhu yahay in ay dalka baxaan.

Lataliye Xuseen Sheekh  ayaa been abuur ku tilmaamay warka lagu qoray wargeyska, waxa uuna sheegay in dhammaadka sannadka dambe sida qurshuhu yahay ciidamada ATMIS dalka isaga baxayaan lana wareegayaan ammaanka dalka ciidanka Qaranka Soomaaliya.

“Tani waa warbixin been abuur ah, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in mas’uuliyadda amniga Soomaaliya ay ka qaado ATMIS maadaama ay u xilsaartay UNSC qaraarada 2628 & 2670 marka la gaaro December 31, 2024. Waxaan diiradda saareynaa wixii ka dambeeya ATMIS-ka,” ayuu lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Ciidamada ATMIS ee howlaga nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa marar badan loo sameeyay muddo kordhin, waxa ayna dowladda Soomaaliya ka shaqeeneysa dhismaha ciidan xooggan oo ammaanka kala wareega ciidamada ATMIS marka waqtiga ka dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/wali Gaas oo booqday askartii Puntland kaga dhaawacantay dagaalkii Tukaraq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somali Magazine oo soo bandhigtay 100-kii qof ee ugu saameynta badnaa Soomaaliya

Cabdi Cade

(Sawirro) Qabashada araajida Musharaxiinta guddoonka Baarlamanka Galmudug oo bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---