Allbanaadir.com
NEWS

Dad ka qaxay Colaada Sudan oo dhinaca badda ka galay dalka Sacuudiga (Sawirro)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa dalkeeda kusoo dhaweesay dad badan oo ka qaxay colaada ka taagan dalka Sudan, kuwaa oo markab ka raacay biyaha Sudan kana degay dekadda magaalada Jiddah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa shaacisay  in dalkeeda soo gaareen dad gaaraya 1,687 qof oo rayid ah oo ka soo kala jeeda in ka badan 50 dal, waxaana dadkaasi Sacuudiga gaaray ku jira 13 muwaadin oo Sacuudiga u dhashay.

Markabka kusoo xirtay dekadda magaalada Jiddah ayaa waxaa u gurmaday dowladda Sacuudiga oo soo daad-gureysay dadkii kala duwanaa ee saarnaa markabka, waxa ayna dowladda geesay goobo gaar ah oo dadkaasi lagu heynayo laguna caawinayo.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka Marakabka la socday  ay ka soo kala jeedaan dalal ku yaalla Bariga Dhexe, Africa, Europe, Asia iyo Waqooyiga iyo Bartamaha Amerika .

Dagaalka ka socda dalka Sudan ayaa sababay in dadka ajaaniibta ah ee dalkaasi kunoolaa isaga cararaan waddankaasi, waxaana qof kasta u jiheestay dhinaca uu u badbaadi karay, dowladaha qaar ayaana dadkooda diyaarado uga qaatay Khartuum.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Uhuru oo Magacaabay xil siyaasadeed muran badan dhaliyay

Cabdi Cade

Amaano Quran Online oo Fursad Qaaliya u heysta Qurbo joogta Soomaaliyeed iyo Caruurtood

Cabdi Cade

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal ku dilay Maxamed Xuseen Abuu Muxsin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---