Allbanaadir.com
NEWS

Koonfur Afrika oo ka baxeysa heshiiska Maxkamadda ICC iyo Putin oo Sabab u ah

Dowladda Koonfur Afrika ayaa shaacisay in ay isaga baxeyso heshiiska kamid ahaanshaha maxkamadda dambiyada caalamiga (ICC ) ee xarunteedu tahay magaalada Den Haag ee dalka Holland.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa shaaciyay in xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC isku raaceen in gabi agaan isaga baxaan heshiiska maxkamadda dambiyada caalamiga .

Ka bixitaanka dalka Koonfur Afrika ee heshiiska maxkamadda ICC ayaa imaaneysa, xilli bishii hore maxkamadda soo saartay ammar lagu soo xirayo madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin oo maxkamadda ku eedeesay in dambiyo culus ka galay dalka Ukraine.

Go’aanka dalka Koonfur Afrika uga baxeyso heshiiska maxkamadda ICC ayaa kusoo aadaya, xilli la filayo in dalka Koonfur Afrika ka dhaco shirkada waddamada ku bahoobay BRICS ee ( Brazil, Russia, india, China iyo South Africa).

Shirkan oo ka dhacaya magaalada Pretoria ayaana la filayaa in uu ka qeyb galo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, waxa ayna Koonfur Afrika dooneysa in aan lagu cadaadin soo qabashada Putin sidaa darteedna uga baxday heshiiska ICC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo isku shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Sweden oo arrimo muhiim ah kawada hadlay

Cabdi Cade

(Xog cusub) Dowlada Somalia oo dejisay qorshe hor leh oo amniga Muqdisho lagu sugayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---