Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Roob baraf wata oo ka da’ay degaan ka tirsan dhulka Soomaalida (Daawo Sawirro)

Magaalada Gabiley ee Maamulka Somaliland waxaa shalay gelinkii dambe ka da’ay Roob Baraf watay, kaasoo saameyn ku yeeshay dadweynaha magaaladaas ku dhaqan.

Roobka Gabiley ka da’ay ee barafka watay oo aad u xoog badnaa, ayaa biyo badan dhigay bartamaha Magaalada, iyadoo dadku ay ka cabanayaan dooxa Biyaha maraan oo magaalada dhexmara oo meelaha qaar ku dhow inuu guryaha dumiyo, markii daad ka dhashay roobka uu ku soo rogmaday.

Dadka degaanka qaarkood ayaa isku dayaya inay ka badbaadaan kana hortagaan in Biyaha badan ee daadadka ay galaan guryahooda, waxayna gacan weydiisteen maamulka Somaliland ee degmadaas ka jira inkastoo aan laga heynin wax jawaab ah.

Roobka Barafka wata ayaa ku cusub dhulka Soomaalida, waxaana arrintan lala xiriirinayaa isbeddelka dhinaca Cimillada ee ka jira aduunka oo mar walba weji cusub yeelanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Yurub kuyaala oo Dhalasho u diiday Lamaane Muslimiin ah oo diiday in ay Ajaaniib Salaamaan

Cabdi Cade

Hogaamiyaha TPLF: “Addis-Ababa inaan maamulno uma tagayno, Waxaan diyaar u nahay..

Caydiid Ali

Nin Isku qarxin rabay goob Tacsi ka socotay uu ku sugnaa Sheekh Shariif oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---