Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gabdhaha Xulka Qaranka K/Koleyga Somalia oo guuldaro dhabarka loo saaray (Sawirro)

Gabdhaha Xulka Qaranka Kubada gacanta 19 jirada ee ka qeyb galaya tartanka bariga iyo bartamaha afrika ayaa kulankoodi koowaad la ciyaaray dhigooda Ethiopia.

Kulankan oo ka dhacay dalka Tanzania ayaa ku soo idlaaday 25 – 9 ay guusha ku raacday Gabadhaha  Ethiopia.

Dhanka kale  Gabdhaha Xulka Qaranka ee 17 jirada kubada gacanta Somalia ayaa maanta ballansanaa inay la ciyaaraan Dhiigoda Kenya, balse sooma xaadirin Gabdhaha Kenya, waxaana labada Dhibcood ee kulanka (Forfeit) ku qaatay Gabdhaha 17 Jirada Soomaaliya.

Xulka Qaranka gabdhaha kubada gacanta oo laba qeyb ayaa ka qeyb gelaya tartanka IHF Challenge Cup 2023  da’da ka yar 19 sano iyo 17 sano ee dalalka  Bariga Afrika.

Xulka 19 jirada waxay isku Group yihìin dalalka Uganda, Ethiopia iyo South Sudan halka Xulka da’da ka yar 17ka sano  ay isku Group Yihiin Ethiopia, Kenya iyo Burundi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Orodyahan Dunida Caan ka ah oo ku biiraya Dagaalka ka socda Dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Dowlada Imaaraadka Carabta oo hanjabaad culus hawada loo mariyay

Cabdi Cade

Daroogo fara badan oo si yaab leh loogu soo qariyey Markab la qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---