Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daad gureynta ajaaniibta oo sii xoogeysatay ka dib xabad joojinta Khartuum (Sawirro)

Ajaanib ayaa ka soo qul-qulaya caasimadda Khartoum iyo aagagga kale ee dagaalka ka dib markii ay dhaqan gashay  xabbad joojin cusub oo saddex maalmood ah oo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudi Arabia.

Qaar badan oo dadka reer Suudaan ah ayaa bixitaanka dublamaasiyiinta, shaqaalaha gargaarka iyo ajaanibka kale iyo xiritaanka safaaradaha waxay u arkaan calaamad argagax leh oo muujineysa in qalalaasuhu ka sii darayo.

Kumanaan reer Suudaan ah ayaa ka qaxay magaalada Khartoum iyo magaalada ay deriska yihiin ee Omdurman, iyagoo ka cabsi qaba in dhinacyada iska soo horjeeda ay sii kordhiyaan dagaalka marka la dhammeeyo daadgureynta ajaaniibta.

Khartoum, boosteejooyinka basaska waxaa buux dhaafiyay maanta dad fara badan oo ka baxsanaya colaada. Darawaliintu waxay kordhiyeen qiimaha, marmarka qaarkood toban jibaaran, waddooyinka laga galo xadka Masar ama magaalada bari ee badda cas ee Port Sudan. Qiimaha Shidaalka ayaa cirka isku shareeray,wuxuuna gaaray $67 halkii Gallon halka markii hore uu ahaa $4.2, halka qiimaha cuntada iyo biyaha uu laba jibaarmay marar badan, sida ay sheegtay heyadda NRC.

Gelinkii dambe ee Isniinta, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhawaaqay inuu gacan ka geystay dhexdhexaadinta xabbad joojin cusub oo 72 saac ah. Xabbad-joojintu waxay socotay ilaa dabayaaqadii habeenimadii Khamiista, iyadoo kordhinaysa xabbad-joojin saddex maalmood ah oo magac-u-yaal ah dhammaadka usbuuca fasaxa Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

Milateriga Suudaan oo uu hoggaaminayo Gen. Abdel Fattah Burhan, iyo kooxda Rapid Support Forces oo ah koox dabley ah oo uu hoggaamiyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo, ayaa sheegay Talaadadii inay ilaalin doonaan xabbad joojinta. Dhawaaqyo kala duwan ayay ku sheegeen in Sucuudigu uu door ku lahaa wada-xaajoodka.

“Xabbad-joojintan waxay ujeedadeedu tahay in la dhiso waddooyin bini’aadantinimo, taasoo u oggolaanaysa muwaadiniinta iyo dadka deggan inay helaan agabka lagama maarmaanka ah, daryeelka caafimaadka, iyo aagagga nabdoon, iyadoo sidoo kale laga daadgureynayo ergada dublamaasiyadeed,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay.

Iska horimaadyo ayaa ka dhacay galbeedka Darfur, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Kooxo hubeysan, oo xiran dareeska RSF, ayaa weerar ku qaaday xaafado ka tirsan magaalada Genena ee xarunta gobolka, halkaas oo ay ku gubeen, bililiqeysteen hanti iyo xeryo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.

“Dagaalo ba’an ayaa ka socda magaalada oo dhan,” ayuu yiri dhakhtar ku sugan Genena, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin cabsi laga qabo aargoosi. “Indhaha oo dhan waxay ku wajahan yihiin Khartoum laakiin xaaladda halkan waa mid aan la qiyaasi karin.” Xarunta Genena, haween iyo caruur ayaa ka cararayay guryaha, isbitaalka weyn ee magaalada ma shaqeyn maalmo, iyadoo aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca, ayay tiri.

Dagaalyahano badan oo wata mootooyin iyo fardo ayaa magaalada kusoo qulqulaya iyagoo ka imaanayay xaafadaha dariska ah si ay ugu biiraan dagaalada, meydadka ayaa daadsan wadooyinka, sida ay sheegtay Darfur 24, oo ah warbaahin online ah oo diirada saarta tabinta gobolka uu dagaalku ka dhacay. Gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan waa meesha ay ka soo jeedaan jabhadda RSF, oo ka dhalatay maleeshiyada Janjaweed ee lagu eedeeyay gabood-fallo baahsan oo lagu riday jabhadda horraantii 2000.

In ka badan 420 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 291 rayid ah, ayaa la dilay in ka badan 3,700 oo kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii uu dagaalku billowday. Korontada iyo internetka ayaa ka go’an inta badan dalka, waxaana ku dhow in isbitaallada ay burburaan. Xitaa ka hor 15-kii Abriil, saddex-meelood meel dadka Suudaan 46 milyan ah waxay ku tiirsanaayeen gargaarka bini’aadantinimo. Inta badan dadka gargaarka bixinaya ayaa hakiyay howlihii ay ka hayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo dowladood oo deymo ka cafiyey Somalia & Wasiir Beyle oo u mahad celiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo sanadkii hore marti gelisay Qaxootigii ugu badnaa oo ka yimid saddex dal

Caydiid Ali

Sheekh Caan ah oo diiday in Gabar ku mehriyo 100-garaam oo Dahab kana hadlay Sababta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---