Allbanaadir.com
NEWS

Meydad hor leh oo laga helay keynta Shakahola iyo Wasiirka Amniga Kenya oo tagay

Meydad hor leh ayaa laga soo saarayaa keynta Shakahola ee kutaalla magaalo xeebeedka Malindi ee dalka Kenya, dadkan ayaana isku dilay gaajo iyo haraad iyaga oo raacayay ammar uu siiyay hoggaamiye diimeed ay raacsan yihiin.

Wasiirka amniga dalka Kenya, Kithure Kindiki ayaa maanta tagay keynta Shakahola oo laga raadinayo meydad hor leh dadka isku dilay gaajada, waxa uuna wasiirka halkaasi u tagay sidii uu u ogaan lahaa waxa halkaasi ka jira.

Meydad hor leh oo gaaraya 26-qof ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga soo saaray keyntan ku taalla magaalada Malindi, waxaana booliiska iyo kooxaha baaritaanka wada rumeesan yihiin in meydad kale wali halkaasi ku aasan yihiin.

Inta la xaqiijiyay waxaa hadda la helay meydadka 90-qof oo kamid ahaa dadka raacsanaa baadariga  Paul Makenzie Nthenge, oo dadka aaminsan ku amray in ay baahi u dhintaan si ay u tagaan gurigooda jannada.

Ninkan sababta u noqday in dad badan ay ku jiraan carruur gaajo isku dilaan ayaa hadda ku jira xabsi, waxaana la filayaa in lasoo taago maxkamad si loogu qaado ciqaabta dambiga weyn uu galay ee sababta u noqday in dad badan baahi isku dilaan.

Booliiska dalka Kenya ayaa sidoo kale shalay gacanta kusoo dhigay nin la sheegay in uu kaaliye u ahaa baadariga, ninkan ayaana lagu eedeeyay in uu aasay meydadka dadka dhintay sidoo kale uu neef qabatin u dilay carruur badan.

Isbitaalka magaalada Malindi gaar ahaan qeybta la dhigo meydadka ayaa buux dhaaftay, waxaana la sheegay in isbitaalka uusan qaadi karin haddii lasoo helo meydadka dad kale oo la tuhmayo in ay ku dhinteen keynta Shakahola.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Magaca sargaal katirsan Al Shabaab oo la dilay

Cabdi Cade

Xamaas iyo Israaiil oo is dhaafsaday Maxaabiistii ugu horeysay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas oo si adag u beenisay War ka soo baxay Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---