Allbanaadir.com
NEWS

Yaa Gadaal ka riixaya mooshinka la hadal hayo in laga diyaarinayo Xukuumadda Xamsa ?

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay hadal heyn ku aadan in uu socdo qorshe ay wadaan xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaa oo diyaarinaya mooshinka xilka looga tuurayo xukuumadda Xamse Barre hoggaamiyo.

Mooshinkan ayaa kaliya ku eg hadal suuqeed iyo fadhi ku dirir ,mana jiro ilaa hadda cid bannaanka la timid diyaarinta mooshinkan iyo sidoo kale jiritaankiisa, waxaana kaliya la faafiyay warqad la sheegay in ay saxiixayaan xildhibaanada.

Ilaa hadda lama hayo xildhibaano is cadeeyay oo hor-boodaya mooshinkan la hadal hayo, waxaana xildhibaanada qaarkood markaad si hoose ula sheekeesato kuu sheegayaan kaliya in uu jiro jiritaanka mooshinka.

Sida aan xogta ku heleyno xildhibaannada sida hoose mooshinka u kar karinaya ayaa u badan kuwa doonaya in ay iska dhax arkaan xukuumadda, kuwaa oo raba in xukuumadda la rido si ay usoo muuqdaan ama isku shaan-dheyn ay ku jiraan la sameeyo.

Mooshinnada xukuumadda laga gudbiyo ayaa inta badan waxaa gadaal ka riixi jiray madaxweynaha talada haya oo taageero ka helaya guddoonka baarlamaanka, mana jiro mooshinkan qof katirsan hoggaanka sare ee dalka oo gadaal ka riixaya.

Dadka siyaasada odorasa ayaa aaminsan in mooshinkan sababi karo labo arrimood oo ah in uu fashilmo ama in uu keeno cadaadis lagu saarayo Ra’isul Wasaare Xamse Barre in uu isku shaan-dheyn ku sameeyo xukuumadda kuna soo daro xubno cusub ay xildhibaanno ku jiraan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday gobolka North Carolina (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa looga hadlay qoraalka Musharaxiintu u direen ururo & dalal taageera Somalia?

Caydiid Ali