Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa wajahaya maxkamad madani ah, oo ku saabsan eedeymo la xiriira inuu kufsaday wariye ku dhawaad soddon sano ka hor.
Xulista xeerbeegtida, ayaa lagu wadaa inay ka bilaabato talaadada maxkamadda federaalka ee magaalada New York.
Mr Trump ayaa beeniyay eedeymaha E Jean Carroll, ee ah inuu ku weeraray dukaan ku yaalla Manhattan. Waxa uu sheegay inay samaysay sheegashadani si ay caan u noqoto.
In kasta oo kani aanu ahayn kiis dambi ah, haddana cawaaqibka ka dhalan kara ee Mr Trump, ayaa si kastaba ha ahaatee noqon kara mid halis ah.
Haddii Ms Carroll ay ku guulaysato dacwadda, ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee madaxwaynihii hore – oo loo haystay in ka badan labaatan eedaymood – lagu heli doono sharci ahaan inuu masuul ka yahay geysashada xadgudub galmo.
Mr Trump ayaa waxa uu wajahayaa mowjado kale oo dacwado sharci ah, oo ay ku jiraan in ka badan labaatameeyo dambi oo lagu soo oogay, oo ah in uu lacag yar siiyay aktarad aflaanta Galmada jisha, iyo baaritaan ku saabsan doorkiiuu ku lahaa rabshadihii Capitol ee Mareykanka, ee dhacay 6dii bishii Janaayo ee sanadkii 2021-kii.
Mr Trump ayaa sidoo kale ka meermeeraya ololihiisa, oo ahayd inuu si joogta ah u qabto, kaasoo ah tartankii looggu jiray Aqalka Cad ee doorashada sanadka soo socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com