Allbanaadir.com
NEWS

Dad u dhashay dalka Jabuuti oo laga daad-gureeyay dalka Sudan iyo Diyaarada …

Waddamada caalamka qaarkood ayaa ku mashquulsan daad-gureynta muwaadiniintooda ku sugan dalka Sudan gaar ahaan magaalada Khartuum, halkaas uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka muwaadiniintooda kala baxay dalka Sudan, waxaana shirkadda diyaaradaha Air Jabuuti gacan weyn ka geesatay daad-gureynta muwaadiniinta Jabuuti ee ku xayirnaa magaalada Khartuum.

Ku dhawaad boqol qof oo isugu jira shaqaalaha safaarada Jabuuti iyo muwaadiniin kale oo u dhashay dalkaasi ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, kuwaa oo aad ugu faraxsanaa in dalkooda ku noqdaan iyaga oo bad-qaba.

Wasiirka arrimaha dibaada dowladda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf  oo warbahinta la hadlay ayaa amaay dadalada saafarada Jabuuti ka geesatay soo dadgureynta muwadininta reer Jabuuti ee ku xayirnaa Khartuum.

Dalka Sudan gaar ahaan Khartuum waxaa wali ku xayiran ajaaniib badan oo qaarkood halkaasi waxbarasho u joogay, waxaana dadka ku xayiran kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo la’ meel ay u baxsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ku baaqay in Ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada laga saaro Tigrey

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Taliska Ciidanka xoogga dalka ee Jubbaland (Sawirro)

Caydiid Ali

Wareegto ku saabsan Muddo Xileedka Baarlamaanka Galmudug ee Waqtiga Kalaguurka oo lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---