Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab oo Arrimo loo riyaaqay ka sameeyay Galcad iyo Deegaanno kale (Sawirro)

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa ka farxiyay shacabka ku nool magaalada Galcad iyo deegaanno kale oo hoostaga.

Ciidamada ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay qaar kamid ah qoysaska kunool magaalada Galkac iyo deegaanno kale oo hoostaga, waxa ayna ciidamada ddaka shacabka ah raashinka ugu geenayeen guryahooda.

Dadkii loo qeybiyay raashinka kala duwan ayaa uga mahad celiyay ciidamada kumaandooska Danab garab istaaga ay u muujiyeen iyo deeqda raashinka ah ay soo gaarsiiyeen xilli ay baahi badan u qabeen.

Ciidamada Danab ayaa ku tagay magaalada Galcad iyo deegaanno kale oo katirsan gobolka Galgaduud sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al Shabaab, waxa ayna ciidamada dagaalka ay ku jiraan ku darsadeen in ay caawiyaan dadka shacabka ah .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Abshir Bukhaari oo caawa si rasmi ah ula wareegay xilkii loo magacaabay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray geeri ku timid Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Maxkamad maanta lasoo taagay Siyaasi iyo Odayaal dhawaan ay xireen Ciidamada Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---