Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo caawa la yeeshay Ammaanka magaalada Muqdisho (Sawirro)

Waxaa caawa xarunta dowladda hoose ee Xamar ka dhacay kulan xasaasi ah oo looga hadlayay ammaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada lagula dagaalamayo dhaqan xumada iyo isticmaalka maan-dooriyaha.

Kulankan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir waxaa kasoo qeyb galay guddoomiyaha gobolka Banaadir Wasiir dowlaha Wasaarada Amniga, taliyaha Ciidanka Boliiska  iyo Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Waxaa sidoo kale kulanka caawa dhacay kasoo qeyb galay guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyaasha saldhigyada qaarkood, kuwaa oo goob joog ka ahaa kulanka looga hadlayay ammaanka caasimadda.

Kulankan madaxda iyo Saraakiisha  ka hadashay ayaa si wadajir ah waxa ay u amaaneen hey’addaha amniga iyo maamulada Degmooyinka sidii wanaagsaneyd oo ay amniga caasimadda u maareeyeen bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab iyo Milatariga Kenya oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Faax Faaxdhuun

Cabdi Cade

Aabe Fal argagax leh u geestay cunug uu dhalay oo labo bilood jira (Sawirro)

Cabdi Cade

Weeraro dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay degaano hoos taga Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---