Allbanaadir.com
NEWS

Hormuud Salaam Foundation oo lacag Ugu Deeqdey Hooyo dhashay 4 Carruur ah (Sawirro)

Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta ugu deeqdey Hooyo Maryan Maxamed Xasan lacag dhan shan kun dollar , taas oo dhawaan ku dhashay 4 Gabdhood oo Mataano, Isbitaalka Banaadir ee Magalaada Muqdisho.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa, masuuliyiinta kala ah, Mrs Zahra Mohamed Ahmed, Agaasimaha SWDC, Mrs Fartun Sharif Mohamed,  Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, iyo Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Mr Abdullahi Nur Osman, iyo Miss Jamila Isse Mohamed, Madaxa muulka iyo maaliyada ee Hormuud Salaam Foundation.

Hooyo Maryan oo ah qof danyar ah oo ku nooleyd Baadiyaha Degamda Cadale ee Gobolka Sh/ Dhexe, ayaa haatan waxaa la dejiyey si kumeel gaar ah Xarunta SWDC , ee degmada Dharkeynleey .

 

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Mrs Maryan Taqal , oo ka mid ah masuuliyiinta SWDC, Maryan Taqal ayaa soo dhaweeysey masuuliyiintii iyo madaxdii goobta joogtey, waxaana aay sheegety ineey Hooyo Maryan iyo caruurteeda ku xanaaneeyaan xarunta, ayna xaaladooda fiican, marki laga reebo laba ka mid ah caruurta oo dib loogu celiyey Isbitaalka Banaadir, ka dib markii aay xoogaa xanuunsadeen, haatana xaaladooda aay wanaagsan tahay.

Gudoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation, Mrs Raaxo Xuseen Xirsi , oo gudoonsiisey lacagta Hooyo Maryan ayaa sheegtey in Hormuud Salaam Foundation aay la socon doonto xaalada Hooyo Maryan iyo caruurteeda, Kaalmadaana aanay noqon doonin midii ugu danbeeysey, oo aay ka warqabi doonaan, ayna diyaar ula yihiin ineey ka gacan siiyaan duruufaha ku xeeran.

Hooyo Maryan oo goobta ka hadashay, ayaa uga mahad celisey Hormuud Salaam Foundation, kaalmada dhaqaale ee aay u keeneen, waxaana aay sheegety ineey ku faraxsan tahay booqashada iyo caawintaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud oo Deeq Raashiin ah u qeybisay Qaar ka mid ah qoysaska Danta yar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xukuumada Soomaaliya oo baaq u dirtay Maamulada Somaliland iyo Puntland

Cabdi Cade

Su’aal laga keenay ninkii dhalashada Faransiiska lagu siiyay cunug uu badbaadiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---