Xildhibaan u dhashay dalka Urdun, ayay Israa’iil xirtay, kadib markii lagu eedeeyey inuu isku dayay inuu hub sharci darro ah ku geliyo Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun.
Imad al-Adwan, ayaa lagu xiray habeenimadii sabtida isgoyska Allenby Bridge, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Jordan ee Ammon.
Maamulka ayaa sheegay inay heleen 12 qori iyo 270 kale oo hub ah, sida uu qabo muuqaal aan la xaqiijin oo lagu baahiyay Baraha Bulshada ee Israel.
Israa’iil kama aysan hadlin, waxaana la xaddiday tabinta warbaahinta gudaha.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun, ayaa sheegay in ay isku dayayaan inay kiiska ku xalliyaan “sida ugu dhakhsaha badan”.
Warbaahinta Israa’iil, ayaa sheegtay in hay’adda ammaanka ee Shin Bet ay isku dayayso in ay ogaato cidda hubkaas loo waday, iyo in xildhibaanku uu sidaas oo kale horay u sameeyay.
Jordan iyo Israel ayaa si rasmi ah xiriir u sameystay ka dib markii ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen sanadkii 1994-kii.
Balse xiriirkooda ayaa dhawaanahan ahaa mid u xumaaday rabshadaha u dhexeeya ciidamada ammaanka ee Israa’iil iyo Falastiiniyiinta, kuwaasoo ka dhacayey Xaramka Al-Shariif, Temple Mount ee magaalada Jerusalem, oo ay dowladda Urdun ilaaliso.
In ka badan kala bar dadka dalka Urdun, ayaa lagu qiyaasaa inay asal ahaan ka soo jeedaan Falastiin.
Qaar badan oo ka mid ah muwaadiniinteeda, ayaa si weyn ula falgala halganka ay Falastiiniyiinta ka wadaan Daanta Galbeed, waxaana dhacda dibadbaxyo ballaaran oo loogga soo horjeedo Israa’iil, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xiisadaha Israel iyo Falastiin.
Mr Adwan, oo 35 jir ah, ayaa waxaa uu yahay xubin ka tirsan guddiga baarlamaanka Jordan, u qaabilsan dhanka Falastiin.
Xildhibaan caan ah oo u dhashay Urdun kana soo horjeeda heshiiska nabadeed ee Urdun ay la gashay Israa’iil, Khaliil Atiya, ayaa sheegay in xarigga Israa’iil ee Mr Adwan uu yahay “mid waxyeelo u geysanaya] sharafta reer Urdun”
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com