Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo War kasoo saartay sida uu u dhacay dilka Kabtan Cabdicasiis Maxamuud

Kooxda Al Shabaab ayaa war kasoo saartay dil magaalada Muqdisho ugu geesteen sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, kaa oo maanta lagu aasay qabuuraha ciidanka milatariga ee kuyaalla isbitaalka Xoogga.

Al Shabaab ayaa sheegtay in khamiistii weerar ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaanĀ  Korontada ku beegsadeenĀ  kuna dhaawaceen kuxigeenkii madaxa hogganka howlgalinta Ciidnaka xoogga dalka Soomaaliyeed Kabtan Cabdi Casiis Maxamed Maxamuud.

”Waxay Mujaahidiintu – Allaah fadligiis – 29 kii bisha Ramadan 1444H, oo waafaqsaneyd 20 Abriil 2023 howlgal gaar ah ku beegsadeen Cabdicasiis Maxamed Maxamuud kaas oo ahaa saraakiisha ciidanka dowladda oo ay ku raadjoogeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in sargaalkan ay dileen ciidanka dowladda u qaabilsana ahagida diyaaradaha Mareykanka ee duqeymaha fuliya , waxa ayna sheegeen sargaalkan in uu tababar kusoo qaatay dalka Mareykanka.

“Sargaalkan oo tababaro dhawr ah kusoo qaadatay wadanka Maraykanka ayaa xilligaan ku magacawnaa waxa loogu yeero taliye ku xigeenka howlgalada ee wasaarada gaashaandhigga , iyo madaxa howlgelinta ciidamada Danab ee Mareykanku leeyahay . Wuxuu si gaar ah u qaabilsanaa hagidda diyaaradaha Drones-ka ee duqeymaha u geysta dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka Al Shabaab.

Sargaalkan dilkiisa Al Shabaab sheegteen in ay ka dambeeyeen ayaa xalay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday dhaawac maalmo kahor u geesteen kooxo hubeesan, waxaana duugta sargaalkan saakay ka qeyb galay masuuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Toos u Daawo Doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka socota magaalada Garawe

Cabdi Cade

Shaqaale Badan oo laga erayay Wasaarada Amniga iyo Xildhibaan Ducaale oo Sabab u noqday

Cabdi Cade

Ciidamadii Maraykanka ka joogay Woqooyiga Siiriya oo ka talaabay xadka Ciraaq (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---