Allbanaadir.com
NEWS

Waalidiin Gabadhooda oo 4 Jir ah Sabab yaab leh ugu hadiyadeeyay Gaari Mercedes ah !

Baraha Malaysia waxaa qabsaday lammaanayaal maalqabeenno ah oo inantooda u iibiyay gaari nuuca Mercedes SUV si ugu dhiirri-geliyaan inay iskuulka aado.

Bilowgii bishan, haweeney maalqabeen ah oo la yiraahdo Farhana Zahra waxay soo dhigtay muuqaal ay inanteeda shan jirta ah ku weydiinayso hadyad ahaan inay usoo iibiso maalinta dhalashadeeda, waxayna inanta yar ku warcelinaysaa inay doonayso middood  Mercedes G Wagon ama BMW. Hooyada ayaa markaas kaddib gabadheeda ku dhahaysa haddii aad doonaysid hadyadaas, waa inaad adiguna aadaa iskuulka.

Sida cad laakiin Farhana iyo seygeeda waxay dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey inantooda ku tirtirsiinayeen inay aaddo iskuulka laakiin maadaama aysan u buuxsamin da’da shan jirka, waxay fursaddan u adeegsadeen inay gabadhooda ku xiraan balanta. Gabadha ayaa sidoo kale ku taamaysa inay noqoto dhaqtar.

Dad badan ayaa ku kala aragti duwanaaday sheekada lammaanahan. Qaar ayaa cawo dhalad ku tilmaamay inanta yar, halka kuwa kale ay waalidkii dhalay ku canaanteen luminta gabadhooda iyo inay haleynayaan dhaqan wanaageeda iyo hab fikirkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen: “Anigu ma codsan muddo kordhin ee Baarlamanka K/Galbeed ayaa sameeyey”

Caydiid Ali

Dayuurada Droneska ee (Bayraktar TP-2) oo lagu arkay hawada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor-qoor & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Gaalkacyo (Sawirro)

Caydiid Ali