Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Beeniyay Warar Saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay Warbaahinta

Magaalada Muqdisho waxaa si xowli ah uga socda calaamadeynta mootooyinka bajaajta ee ka shaqeeya gudaha caasimadda, kuwaa oo loo sameenayo calaamado A iyo B ay ku shaqeenayaan mootooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeer ku tagay goob loogu tala galay in lagu calaamadeeyo mootooyinka ka shaqeenaya caasimadda.

Yuusuf Madaale oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay warar lagu baahiyay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada oo ku aadanaa in mootooyinka lagu calaamadeenayo midkiiba lacag dhan 150 dollar.

Waxa uu sheegay duqa Muqdisho in warkaasi la faafiyay uu yahay been abuur, waxa uuna tilmaamay in mooyinka la calaamadeenayo  laga qaadayo midkiiba lacag u dhaxeysa 30-dollar ilaa 36 dollar .

Duqa Muqdisho ayaana ugu baaqay bajaajleyda caasimadda in ay u hoggaansamaan ammarka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumadda ayna mootooyinkooda u sameestaan calaamadaha A iyo B.

Calaamadaha mootooyinka loo sameenayo ee A iyo B ayaa mootooyinka lagu buufinayo loogu tala galay in midba maalin ay magaalada ka shaqeyso, waxaana mootadii aan maalintaasi laheyn oo la arko lagu soo rogayaa ganaax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin toorey ku dhaawacay Wiil labo sano ka yar oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sargaal Aqoonyahan oo katirsanaa Milatariga Soomaaliya oo lagu dilay Weerarkii Bariire

Cabdi Cade

Sarkaal ciidan oo ku naf waayey qarax loogu xiray gaari uu watay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---