Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka muhaajiriin doonayay in ay galaan Qaarada Yurub oo lasoo saaray

Waxaa sii kordhaya muhaajiriinta Afrikaanka u badan ee ku dhimanaya biyaha badda Mediterranean-ka , kuwaa oo doomanka ay saaran yihiin la xumaadeen xilli ay doonayeen in ay galaan dalka Talyaaniga.

Ciidamada badda ee dalka Tunisia ayaa maanta oo isniin ah badda kasoo saaray meydadka muhaajiriin gaaraya 31-qof, kuwaa oo la sheegay in ay xumaatay doontii ay saarnaayeen kuna  qarraqmeen badda .

Meydadka muhaajiriinta lasoo saaray ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa laga helay xeebaha Sfax, Kerkennah ee dalka Tunisia, waxaana wali socda baadigoob ciidamada badda Tunisia ugu jiraan in ay helaan meydadka dad kale oo la tuhmayo in ay dhinteen.

Muhaajiriin badan oo ka baxay xeebaha dalka Tunisia ayaa dhintay bilihii lasoo dhaafay xilli ay doonayeen in ay galaan Talyaaniga, waxaana wali socda muhaajiriinta halista u galaya sidii mar un cagtooda u dhigi lahaayeen qaarada Yurub.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Taliye kuxigeenadii NISA ee xilka laga qaaday oo xil cusub loo magacaabay (Akhriso)

Cabdi Cade

Khayre iyo Wafdigiisa oo goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo Janaay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Gudoomiyaha aqalka sare & Mrs. Pramila Patten (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---