Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay Xaalada Sudan iyo Soomaalida ku go’doonsan

Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu si gaar ah isha ugu hayo xaaladda ka taagan Dalka Suudaan, gaar ahaan daryeelka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalkaasi ayaa, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xuquuqda Muhaajiriinta iyo Carruurta Marwo Mariam Yassin Hagi Yussuf, waxaa ay walaac xooggan ka muujisay xaaladda deg-degga ah ee ka taagan dalka Suudaan, taasoo keentay in ay barakacaan qoysas badan oo u nugul dhibaatada iyo Arday.

Xafiiska Ergaygu waxaa uu ku howlan yahay sidii si deg deg muwaadiniinta Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa waddankooda hooyo, Iyadoo howshaan baaxadda leh lagala kaashanayo dhammaan hay’adaha ay khusayso.

Ergeygu waxuu sidoo kale qirayaa doorka muhiimka ah ee ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ay ka ciyaartay isku-dubaridka iyo xiriir dhow oo ay la leedahay Safaaraddeena Soomaaliyeed iyo hogaanka wanaagsan ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda H.E. Abshir Cumar Jaamac (Haruuse).

Ergeyga ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay taageero dheeraad ah siiyaan dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka ka taagan Suudaan, gaar ahaan carruurta iyo qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo arimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe iyo Dabageed oo deg deg u qaabilady Sanbaloolshe una Hambalyeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo amar cusub ku soo rogtay Hotelada Muqdisho ku yaalla (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---