Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa xalay hotel kuyaalla magaalada Muqdisho oo lagu magacabao Saba ka helay hub ay sheegeen in uu sharci darro ahaa iyo sidoo kale dareeska milatariga oo aad u badnaa.
Howlgal ay iska kaashanayeen maamulka gobolka Banaadir iyo booliiska ka howlgala caasimadda ayaa xalay lagu galay hoteelo kuyaalla Muqdisho , howlgalka ayaana intii uu socday ciidamada qabteen hub iyo darees badan oo ciidan.
Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in ciidamada ku qabteen hotelka Saba saddex qoray oo AK-47 ah iyo dareeska milatariga oo ka koobnaa 47 joog .
Waxa uu sheegay guddoomiye Yaboog in hubkii iyo dareeskii milatariga ee howlgalka lagu qabtay ku wareejiyeen taliyaha booliiska qeybta gobolka Banaadir, waxa uuna sheegay in howlgalada nuucaan ah ay sii socon doonaan.
Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya booliiska caasimadda ayaa bilaabay howlgali cusub oo lagula dagaalamayo dhaqan xumadda ka jira hoteelada iyo xarumo kale oo kuyaalla magaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com