Waxaa sii kordhaya ajaaniibta isaga qaxeysa dagaalka ka socda magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, waxaana dowladaha caalamka qaarkood dalka Sudan kala baxeyn muwaadiniintooda halkaasi ku xayirneed.
Dalka Sudan waxaa ku sugan Soomaali badan oo dalkaasi u joogay wax-barasho iyo kuwa kale oo deganaa, waxaana Soomaalidaasi qaarkood dantu ku qasabtay in ay soo cararaan oo naftooda lasoo baxsadaan.
Soomaalida soo qaxeysa ayaa soo galaya dalka Koonfurta Sudan si ay uga nabad galaan dagaalka socda, waxaana dedaalo dadkaasi lagu soo daad-gureenayo laguna soo dhaweenayo wada safaarada Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan.
Safriirka Soomaaliya u fadhiya Suudaanta Koofureed, Cabdixakiin Cabdullaahi Camey ayaa sheegay in dowladda Koonfurta Sudan kala hadleen Soomaalida soo galeysa dalkeeda, waxa uuna sheegay in ay oggolaadeen in dadka Soomaaliyeed soo galaan dalkeeda.
Waxa uu sheegay safiirka in Soomaali badan oo kasoo qaxay magaalada Khartuum iyo magaalooyin kale soo gaareen magaalooyin kuyaalla Koonfurta Sudan, waxa uuna sheegay in gurmad iyo baabuur u direen Soomaalida soo gashay dalkan.
Safiirka ayaa xukuumadda Jubba uga mahad celiyay sida qadarinta leh ee ay Soomaalida u qaabileen uguna oggolaadeen inay dalkooda soo galaan, iyagoo sida uu sheegay aan magacooda mooyee la weydiinin sharci.
Danjire Camey ayaa sheegay in aan wali laheyn tirada saxda ah ee soo gashay Koonfurta Sudan, waxa uuna cadeeyay in ay socdaan tirakoob , isagoona tilmaamay in dad ku dhaw boqol qof soo gaareen magaalada Rang qaarkoodna kasii gudbeen.
Waddamo badan ayaa muwaadiniintooda kala baxay dalka Sudan oo colaada sukeeye ka socdo, waxaana dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi kunoolaa ku qasbanaadeen in lafahooda la baxsadaan maadaama aysan jirin dowlad awood leh oo soo badbaadin karta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com