Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo xiray Hoteelo iyo goobo lagu caweeyo Digniina diray (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay mar kale hoggaamiyay howlgal loogu magac daray la dagaalanka maan-dooriyaha iyo dhaqan xumada oo laga fuliyay dhowr xarumood oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Yuusuf Madaale ay la socdeen ciidamo badan ayaa galay xalay hoteelo iyo xarumo kale oo kuyaalla degmada Hodan, halkaas oo la sheegay in lagu isticmaali jiray waxyaabaha maanka-dooriya sidoo kale lagu caweyn jiray.

Sida aan wararka ku helnay xarumaha guddoomiyaha gobolka iyo saraakiishii la socotay galeen waxaa kamid ahaa goobo ay ay tagi jireen masuuliyiin iyo shaqaale dowladeed ,kuwaa oo isticmaala waxyaabaha maanka-dooriya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay dhallinyaradii iyo dadkii kale ee hoteelada la galay lagu qabtay ayaa uga digay in mar kale yimaadaan goobahan oo kale iyo isticmaalka waxyaabaha-maanka dooriya.

Yuusuf Madaale ayaa digniin u diray milkiilayaasha goobaha lagu caweeyo laguna isticmaalo waxyaabaha maanka-dooeiya, waxa uuna cadeeyay in ay xiri doonaan goobaha dhaqan xumada ka shaqeeya kana qaadi doonaan tallaabooyin adag.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii labaad uu fuliyo Duqa Muqdisho, waxaana habeen hore sidaan oo kale u xiray goobo lagu isticmaali jiray waxyaabaha maanka-dooriya oo kuyaalla xeebta Liido sidoo kale baakoorad ku garaacay dhallinyaro goobahaasi lagu qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 700 oo lagu xasuuqay Gaza 24kii saac ee la soo dhaafay

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo ka hadlay go’aankii ay Maxkamadda sare ku diiday dacwadiisa (Akhriso)

Caydiid Ali

Villa Somalia oo lacag badan ku bixineysa Sumcad dilka siyaasiyiinta Mucaaradka (Warbixin)

admin