Warar isa soo taraya oo ka soo baxaya ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ay diyaarinayaan mooshin xilka looga qaadayo RW Xamse iyo Xukuumadiisa oo shaqeynaya haatan wax ka yar sanad.
Xildhibaanada mooshinka wada oo la sheegay iney kala joogaan gudaha iyo dibeda dalka ayaa gaaraya illaa 100 xubnood, iyadoo qorsheynaya iney mooshinkan geeyaan baarlamanka marka uu furmo kalfdadhiga golaha shacabka oo haatan fasax ku maqan.
Sida wararku sheegayaan Xildhibaanada mooshinka wada ayaa intooda badan waxay ka soo jeedaan degaanada Puntland iyo Somaliland, iyadoo macluumaadka la helayo ay intaas ku darayaan in siyaasiyiinta gadaal ka riixeysa mooshinkan uu ku jiro Madaxweynaha Puntland Deni oo khilaaf siyaaasadeed uu kala dhexeeyo Madaxweyne Xassan Shiikh.
Sidoo kale Xildhibanada mooshinkan wada ayaa waxaa ku jira kuwo xildoon ah oo iska waayey xilalka ay magacowday dowlada Soomaaliya, kuwaasoo uu damac kaga jiro iney xilal ka helaan xukuumada dambe waa hadii ay ridaan RW Xamse iyo xukuumadiisa.
Ololaha Mooshinkan ayaa si xawli ah u socda, iyadoo Xildhibaanada wada ay isku dayayaan inay taageero u helaan mooshinkooda, iyagoo la xiriiraya xildhibaanada kale ee aan weli ku jirin si ay uga dhaadhiciyaan.
Dadka dhaliilsan mooshinkan ayaa aaminsan inuu carqaladeyn karo gulufka dagaal ee dowladu ka wado dalka kaasoo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxay kaloo qabaan inuu dalka gelin karo xiisad siyaasadeed oo dowlada ka mashquulineysa waajibaadka ka saarnaa dalka.
Wasiirkii hore ee warfaafinta Somalia Xildhibaan Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa sheegay iney la soo xiriireen xildhibaanada mooshinka wada balsen uu iska diiday inuu qeyb ka noqdo, wuxuuna xusay inuu ku qanacsan yahay waxqabadka xukuumada RW Xamse, xiligana aysan habooneyn in dalka la geliyo qalalaase siyaasadeed.
“Maanta oo Mooshin iyo buuq siyaasadeed la furo waxay la mid tahay Shabaab waa sii jabayaa haloo hiiliyo oo dalka ha joogo, deynta ayaa la cafinayaa oo dalka maalgashi baa imaanaya ee hala kala tuuro oo dalka iyo dadku tuugsigoodii ha ku sii jireen, shirarkii Madasha, Dhameystirka Dastuurka, dhismaha Dawlad dhiska ee hawluhu ka socdaan hala istaajiyo, waxaasoo dhana sidii aan arki jiray waxaa dabada ka riixaya oo Qarash ku bixinaya Dawlado Shisheeye. Xildhibaanada walaalahay ah waxaan kula talinayaa yaan sidaas la yeelin ee dalka iyo dadka haloo turo” ayuu yiri Maareeye.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com