Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo weeraray fariisin Al-shabaab ku lahaayeen Ceel-Qansax

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka oo iskaashanaya ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyey degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii ciidanku heleen xog ku aadan kooxo ka tirsanĀ  Al-shabaab oo degaankaas isku abaabulaya.

Saraakiisha cidamada ayaa sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey fariisimo ay si qarsoodi ah isugu abaabulayeen Al-shabaab

“Ciidanka Qaranka sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa iyo shan ka tirsan Maleeshiyada Khawaarijta ah, gaari nooca xamuulka oo loo yaqaano BG, saanad ciidan iyo sahay raashin iyo shidaal ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiseen Warbaahinta.

Ciidamada dowlada oo kaashanaya dadka degaanka ayaa howlgalo xoogan oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada degaano ka tirsan gobolka Galgaduud iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka sare oo qoraal kasoo saaray hanaanka loo dhisay golaha addeega Garsoorka

Cabdi Cade

Wasiirka arrimaha gudaha oo Damaca Itoobiya kala hadlay Odayaal kasoo jeeda gobolka Awdal (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay in Arday ka socota Puntland galeen Imtixaanka Shahaadiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---