Waxaa sii kordhaya dowladaha caalamka ee doonaya inay soo daad gureeyaan shaqaalahooda dublamaasiyadda iyo muwaadiniinta ku xayiran caasimadda Sudan, iyadoo jeneraalada iska soo horjeeda ay maalintii sagaalaad u dagaallamayaan gacan ku haynta dalka saddexaad ee ugu weyn Afrika.
Milateriga Maraykanka ayaa mas’uuliyiin ka tirsan safaaraddooda ka soo saaray dalka Sudan
Dagaal ayaa ka dhacay magaalada Omdurman, oo ah magaalada ka soo gudubta webiga Niil ee ka soo jeeda caasimadda Suudaan ee Khartoum, sida ay sheegeen dadka deegaanka. dagaalka ayaa sii socda in kasta oo lagu dhawaaqay xabbad joojin lagu soo beegay fasaxa saddexda maalmood ee Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.
“Ma aanan arag xabbad-joojin noocaas ah,” ayuu yiri Amin al-Tayed oo ku sugan gurigiisa oo ku dhow xarunta telefishinka dowladda ee Omdurman. Waxa uu sheegay in rasaas xooggan iyo qaraxyo onkod ah ay gilgileen magaalada. “Dagaalladu ma joogsan,” ayuu yiri.
Qiiq madow oo qaro weyn ayaa cirka isku shareeray garoonka diyaaradaha ee Khartoum. Kooxda hubaysan ee dagaalka kula jirta ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa sheegtay in milatarigu ay duqaymo ka fuliyeen xaafadda sare ee Kafouri, ee waqooyiga Khartoum. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka.
Ka dib hal toddobaad oo dagaallo dhiig badani ku daatay, ciidamada gaarka ah ee Maraykanku waxay si degdeg ah Khartoum uga daadgureeyeen ilaa 70 ka mid ah shaqaalaha safaaradda Maraykanka oo la geeyey meel aan la shaacin oo ku taal Itoobiya. In kasta oo saraakiisha Maraykanku ay sheegeen in ay weli aad khatar u tahay in la sameeyo daadgureynta tirada badan ee ay dawladdu isku dubariday ee muwaadiniinta gaarka ah, haddana waddamo kale ayaa u tafaxaytay sidii ay muwaadiniintooda iyo dublamaasiyiintooda u soo saari lahaayeen.
Faransiiska, Giriiga iyo dalal kale oo Yurub ah ayaa sheegay Axaddii inay qabanqaabinayaan daad gureynta shaqaalaha safaaradda iyo muwaadiniinta, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah muwaadiniinta dalalka ay xulafada yihiin. Afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, Anne-Claire Legendre, ayaa sheegtay in Faransiisku uu hawlgalkan fulinayo, isagoo kaashanaya saaxiibada reer Yurub.
Wasiirka arrimaha dibadda Giriiga ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaarado iyo ciidamo gaar ah u diray xulafadiisa Masar, si ay ugu diyaar garoobaan daadgureynta 120 qof oo u kala dhashay Giriigga iyo Qubrus ee laga soo daadgureynayo Khartoum..
Nederland ayaa u dirtay Jordan laba diyaaradood oo ah nooca Hercules C-130 iyo Airbus A330. “Waxaan si qoto dheer ugu damqaneynaa Dutch-ka ku sugan Suudaan, waxaana sameyn doonaa dadaal kasta oo lagu daadgureynayo dadka halka iyo marka ay suurtagal tahay,” ayay tiri Wasiirka Difaaca Kajsa Ollongren.
Dowladda Talyaaniga ayaa diyaarado milateri u dirtay gacanka Cadmeed ee dalka Jabuuti, si ay ugu diyaar garoobaan soo daad gureynta 140 qof oo Talyaani ah oo ku sugan dalka Suudaan, kuwaasi oo qaarkood gabaad ka dhigtay safaaradooda Khartuum. Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in qaybta xasaradaha ee wasaaraddu ay la xiriirtay muwaadiniinta go’doonsan.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kooxda awoodda badan ee ee loo yaqaan ‘Rapid Support Forces’, ayaa curyaamiyay garoonka caalamiga ah ee ugu weyn dalkaas, taasoo sababtay tiro diyaarado rayid ah oo burburay, waxaana burburay ugu yaraan hal waddo oo ay diyaaraduhu ku ordaan. Garoomada kale ee dalka ayaa sidoo kale shaqada laga joojiyay.
Socdaalkii dhulka ee lagu marayay aagagga ay ku loolamayaan dhinacyada dagaallamaya ayaa noqday mid khatar ah. Khartoum waxay qiyaastii 840 kiiloomitir (520 mayl) u jirtaa Port Sudan oo ku taal badda cas.
Laakiin wadamada qaar ayaa horay u sii waday safarka. Sacuudi Carabiya ayaa Sabtidii sheegtay in boqortooyadu ay ku guulaysatey daad gureynta 157 qof oo ay ku jiraan 91 qof oo Sucuudiyaan ah iyo muwaadiniin dalal kale u dhashay. TV-ga dowladda Sacuudiga ayaa baahiyay muuqaalka kolanyo badan oo Sacuudiyaan ah iyo ajaaniib kale oo baabuur iyo bas ka raacay magaalada Khartoum kuna sii jeeday Port Sudan, halkaas oo markab ay leeyihiin ciidamada badda uu ka soo daadgureeyay badda cas, una gudbiyay dekedda Jeddah ee Sacuudiga.
Loolanka awoodeed ee u dhexeeya millatariga Suudaan, ee uu hoggaamiyo Gen. Abdel-Fattah Burhan, iyo xoogaga taageerada degdegga ah, ee uu hoggaamiyo Gen. Mohammed Hamdan Dagalo, ayaa dhabar jab xooggan ku ah rajada Suudaan ee ku aaddan isbeddel dimoqraadi ah. In ka badan 400 oo qof oo ay ku jiraan 264 rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka, in ka badan 3,500 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Isbitaallada ayaa sheegaya inay la halgamayaan sidii ay ula tacaali lahaayeen. Dad badan oo dhintay iyo kuwo dhaawac ah ayaa ku go’doonsan dagaalka, sida laga soo xigtay Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ee kormeera khasaaraha, iyagoo soo jeedinaya in dhimashadu ay aad uga badan tahay inta la og yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com