Gudoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale iyo mas’uuliyiin uu hor kacayo ayaa xalay fuliyay howlgal lagu timaantay edbin iyo dhaqan toosin, kaasoo ka dhacay goobo lagu caweeyo oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho
Gudoomiyaha oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in la xiray goobaha ay dhallinyardu ku sugnaayeen oo uu sheegay in ay ahaayeen kalaabyo, isagoo amray in aan dib dambe loo furi karin.
“Fasahaadka aan caawa soo aragnay waa mid uusan damiirka na siin Karin, dhallinyarada aan soo qabanay waxa ay isku dayeen in ay nala dagaalaan sababtoo ah wey cabsanaayeen”ayuu Yiri Madaale
Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay “dhallinyarada waan la Talinnay qaarna waan xirnay oo subaxnimada ayaan waalidiintooda ku wareejin donnaa laga billaabo xilligaan kalaabyadaas waan xirnay mana la furi karo”
Goobaha la xiray ayaa la sheegay in dhallinyaradu ay isugu imaan jireen halkaaso lagu isticmaalayay noocyada kala duwan ee maandooriyaha.
Muuqaallo lasoo bandhigay ayaa muujinayay Gudoomiye Madaale oo ul gacanta ku haya isla markaana garaacaya dhallinyaro lagasoo saaray goobahaasi oo la sheegay in ay isticmaalayeen muqaadaraad., iyadoo Muuqaalka mid noqday hadal heyn badan ka dhex dhaliyay baraha bulshada.
Qaar ka mid ah dadka ka falceliyey Muuqaalkaas ayaa soo dhoweeyey talaabada uu Madaale ku garaacay dhalinyaradaas, maadaama ay edbin waayeen waalidiintii dhalay.
Hase ahaatee qaar kale ayaa ka hor yimid ficilka Madaale iyagoo sheegaya inuusan xaq u laheyn inuu iska garaaco dadka, hadii ay dembi galeena uu xaq u leeyahay oo kaliya inuu xiro, cadaaladana horkeeno.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com