Ciidanka Booliska Kenya ayaa meel u dhow magaalo xeebeedka Malindi ka soo saaray 21 meydad ah, xilli ay baarayeen wadaad dad aaminsanaa ku wacdiyay inay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan ALLE.
Carruur ayaa kamid ahaa dadka dhintay ee lasoo saaray, waxaana booliisku ay sheegeen inay filayaan inay helaan meydad kale.
Wadaadka oo lagu magacaabo Paul Mackenzie Nthenge ayaa haatan ku jira xabsiga, isagoo sugaya in la soo taago maxkamad.
Telefishinka dowladda ee KBC ayaa ku tilmaamay inuu yahay hogaamiye koox diimeed aaminsan waxyaabo khuraafaad ah, waxayna sheegeen in illaa iyo hadda la aqoonsaday 58 xabaalo.
Mr Mackenzie waa uu dafiray in uu khalad sameeyay, iyadoo loo diiday in damiin lagu sii daayo, isagoo ku adkaysanayaa inuu kaniisaddiisa xiray sanadkii 2019-ka.
Waxa la sheegay in uu ku wacdiyay kuwa raacsan inay gaajoodaan una dhintaan si ay Ciise ula kulmaan.
Dhakhaatiirta ayaa qaadi doona tijaabada DNA-da iyo baaritaanno lagu ogaanayo in dadkan ay u dhinteen gaajo iyo in kale sida uu qoray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com