Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalad adag oo soo wajahday dadka tahriibka ku galay dalka Mareykanka

Dhawaan Waxaa furmay Wado Dadka Muhaajiriinta ay ku galaan Dalka Mareyanka iyagoo ujeedkoodu yahay inay helaan nolol wanaagsan.

Dadka Qaxooti ahaan ku galaya dalka Mareykanka waxaa ku jira kuwa kasoo tahriibaya Yurub oo labo nooc ah iskuguna jira sharci heysta iyo kuwa sharci la’aan ku ahaa, iyo qaar ka soo tagay Africa.

Dowlada Mareykanka ayaa sida caadiga bilowday inay si adag u baarto dadka soo galaya dalkeeda ee ka imaanaya Yurub iyo Africa.

Sida xogta muujineyso Mareykanka ayaa bilaabay inuu Baaritaan adag ku sameeyo dadka dalkaasi iska dhiibaya ee ka imaanaya Yurub isagoo wadamada yurub waydiisanaya xogta dadka iska dhiibay ee Yurub soo maray taasoo u sahleysa inuu go’aan deg deg ah ka gaaro inkastoo baaritaanka uu qaadan karo 3 sano ku dhawaad.

Baaritaanka Dowlada ayaa keenay in dadka dalkaasi gaaray ay muddo dheer sugaan Wareysiga ugu horeeya dadka qaarkood ayaana wareysi helin mudo ka badan Sanad.

Haddii aad sharci ku laheyd Yurub sida Daganaansho iyo dhalasho waxaa halis ugu jirtaa in dib laguugu soo celiyo Yurub 3 sano kadib sida Mareykanku qorsheyneyo.

Dadka ka imaanaya Africa ayaa ka fursad badan Dadka kasoo tahriibaya Yurub kuwaasoo ay ku jiraan Dad dowlada xogtooda sii heyso.

Qaxootiga ka imaanaya Africa ayaa loola dhaqmayaa sida caadiga iyadoo sharcigooda lagu xirayo Nooca Dacwada ay isku dhiibaan iyo sida Dowlada ugu qanacdo.

Dowlada Mareykanka ayaa Africa ku celisay Qaxootiga dalkaasi gaaray ee dacwadooda aanan lagu qancin waxaana ku jira Somali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Martin Griffiths “Israel Waa iney u hogaansantaa sharciga caalamiga ah”

Caydiid Ali

Ciidamada Kenya oo saakay ka baxay Deegaanka Faax Faaxdhuun iyo Al Shabaab oo la wareegtay

Cabdi Cade

Gudoomiyaha cusub ee Dallada Waxbarashada ee SAFE oo xilka la wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---