Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Al-shabaab ay Malaayiin Dollar ku bixinayso xilka ka qaadista Cali Jeyte?

Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka degaanada laga saaray Al-Shabaab ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay waddo qorshe lagu bedelayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Waxaa uu tilmamay in beddelaada Cali Jeyte ay ay tahay mid dan u ah Al-Shabaab, isla-markaana hoos u dhigeyso howlgallada ka dhanka ah kooxdaas.

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa” ayaa yiri Waare.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayuu ugu baaqay inuusan ku fududaan xilka ka qaadisya Cali Jeyte xiligan xasaasiga ah.

“Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!” ayuu intaas ku daray Waare.

Hadalka Waare ayaa ku soo beegmaya xili uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Guddoomiye Cali Jeyte kaasoo salka ku haya qaabka loo maareynayo canshuuraha ka soo xerooda gobolka Hiiraan.

Hadalka Waare ayaa dhinaca kale muujinaya inuu isla xiriirinayo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo kooxda Al-shabaab taasoo ah eedeyn halis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah burcad badeedii afduubtay markabka MV Ruen oo la soo qabtay

Caydiid Ali

Dalal kuyaalla Afrika oo bilaabay tirakoobka Mid kamid ah Xayawaanada kunool

Cabdi Cade

Madaxweyne Xaaf oo eedeymo culus u jeediyey Madaxda dowlada federaalka (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---